XOG XASAASI: FIQI oo weerar culus ku qaaday siyaasiyiintii ka fal-celiyay hadalkii Sheekh Shariif, & arrin la yaab leh.

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaan Axmed Macalim FIQI ayaa siwayn u difaacay Hadalkii dhowaan kasoo yeedhay Sheikh Shariif, Wuxuuna Dhaliilo u jeediyey Siyaasiyiintii kasoo Horjeestay hadalkaasi oo ay kamid yihiin Salaad Cali Jeelle , Wasiir Maareeye iyo Xasan Daahir Aways. Wuxuuna Qoraalkiisa ku bilaabay Sidan.

Hadalkii Sheekh Shariif ee dad badani ay aadka u falanqeeyeen maalmihii la soo dhaafay waxaa ku jirey afar nooc oo dad ah oo dalka dhibkii soo marey qeyb ka ahaa oo saddex ka mid ah dhibkoodii umadda la dhaafsiiyey, qeybta u danbaysana digniin culus loo direy.

1– Qeybta koowaad: Mooryaantii dhibka umadda ku heysay ayaan dalkaan ka saarnay ayuu xusay! nin ayaa u hadlay kuwaas oo isla maalintii xigteyba shir jaraa]id qabtey asagoo ciil la hinraagaya ayna u wehliso mugaan dhawaaqo dheef i sii!.

2– Qeybta Labaad; ciidamadii Tigreega iyo dabadhilifkoodii dalka ku soo duuley ayaan xoog ku bixinnay ayuu yiri; ayadana waxa ka xanaaqey afhayeenkoodii waagaas oo hadda baagamuudo ku ah MUQDISHO ka djb markii xasuuqa dadkiisa loo adeegsaday, haddana cayda dadkiisa loo adeegsanayo, ninkaasi umadda ilaahay wuxuu ugu jecel yahey kuwii uu u shaqayn jirey cidda u shaqaysa!

3– Qeybta Saddexaad: Alshabaab iyo argagixisadii in Muqdisho iyo gobollada u dhow awood looga saaray ayuu tusaale u soo qaatey, ayagana waxaa u hadlay aasasahoodii oo alshabaabkii laftoodii ay soo dayriyeen ka dibna dooni ay la soo caariday sanadkii 2013, haddana xabsi guri ku ah Muqdisho. Asna wuxuu soo goconayaa jabkii August 2011 looga saarey Muqdisho.

Saddexdaas kooxood oo dharbaaxo hore oo Sheekh Shariif qaba ayaa jabkoodii ka dib isku bedeley afhayeennada kooxda tabartu ka sii dhammaanayso ee Villa Soomaaliya (Shimbirba shimbirkiisa ayuu la duulaa), nimankaasi haddii ay caqli hayaan waagii ay garoonka cayaaraha ku jireen ayey isku daafici lahaayeen, balse Haddii nin walba hadalkii xaqiiqda ahaa ee sheekh shariif uu damqiyey boog-ceebeedkii foolka uga taalley, ayna cabaadeen, waxaa la sugayey oo dhimaneyd:

4– Qeybta Afraad: aaway jawaabtii mdxw Farmaajo qeybtii ka khusaysay hadalka sheekh Shariif? mise wuxuu ku kaaftoomey oo qancisay hadalkii “waxaad sheegto ha waayinta ahaa” ee Maareeye saq dhexe oo habeennimo asagoo calwasaadaya uu ku qeyliyey? nimankaas soo jabey warkooda kuma ilaawayno inaan ku weydiinno jawaabtii afraad ee lagaa sugaayey? Sharciga qaado ama shaarica qaad?

Hadalka Sheekh Shariif wuxuu la macno ahaa “Muska usha ku dhufo bahallada ku jiraahi ha ka soo boodaane” dadkii aan taariikhahaas soo joogin waxey kala barteen qolooyinkii uu sheekh shariif sheegay oo ayaga oo nool banaanka isa soo dhigey ka dib hadalkiisii uu ku hogo tusaaleeynayey kooxda Villa Somalia in wadada sharciga ay dib ugu soo noqdaan!.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com