Wednesday, January 21, 2026
24.6 C
Mogadishu

XOG XASAASI: Feysal Cali Waraabe oo kashifay xogta kulankii uu la qaatay Axmed Madoobe, Maxa lagu heshiiyay?

Nairobi (Halqaran.com) – Feysal Cali Waraabe, guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah UCID ee Somaliland oo ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa uu kulamo halkaasi kula qaatay siyaasiyiin Caanka ah Soomaaliya oo uu kamid yahay Madaxweynaha Jubbaland iyo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Eng, Feysal Cali Waraabe oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay inay siyaasiyiinta ka wada hadleen kana tashadeen inay ka hortagaan qorsho ay wadaan,Madaweyne Farmaajo, Ra’isul Wasaaraha Itoobiya iyo dalal kale oo Dekadaha soomaaliya loogu wareejinayo Itoobiya.

Waxaa uu sheegay inay madaxda ka shireen sidii Soomaaliya loo badbaadin lahaa,waxaana uu Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in uu wado qorsho Dekadaha Soomaaliya loogu wareejinayo itoobiya.

“Laba mid  ayuu ku saabsan yahay safarkeyga Beesha Calamka iyo Siyaasiyiin Soomaali ah oo aan la kulmay iyo inaan ka hortagno qorsho ay wadaan xubno uu kamid yahay safiirka Mareykanka ee Kenya,madaxdii Soomaalida ee aan kulanay waxaan ka wada-hadalnay inaan Itoobiya ka badbaadino Badeena,waayo Farmaajo ayaa Nin Ina Adeerkiis ah u Magacaabey in Badda la siiyo ayuu yiri” Feysal Cali Waraabe.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:

Muqdisho: Saxafi loo heysto Dilkii Almaas Elman oo xaalad halis ah ku jira

DAAWO VIDEO: Sheekh Kenyawi oo raali-geliyay Dumarka Soomaaliyeed, “Runtii Khaladkayga waan garowsaday”

Maxaa ka ogtahay Ujeedka Safarka Sheekh Shariif uu ku tagay Jabuuti?

UPDATE: Ciidamada Militariga Itoobiya oo ku sii qul-qulaya magaalada Dhuusamareeb (Maxaa cusub?)

XOG: Maxaa ka jira in beeha qaar ee G/Sh/Hoose aan wax kursi ah ku yeelan doonin baarlamaanka Koonfur Galbeed?

SAWIRRO: DF Somaliya oo si weyn u soo dhaweysay is-beddelka lagu sameeyay hoggaanka IGAD

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...