Saturday, June 13, 2026
26 C
Mogadishu

DAAWO VIDEO: Sheekh Kenyawi oo raali-geliyay Dumarka Soomaaliyeed, “Runtii Khaladkayga waan garowsaday”

Sheekh Kenyawi /Photo: Screenshot Halqaran.com

Nairobi (Halqaran.com) – Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyawi oo ka mid ah cullimada caanka ah ee Soomaaliya, ayaa raali-gelin ka bixiyay hadal uu dhawaan siidaayay oo ahaa, in dumarka oo guurka Waxbarashada uga daaha aysan wax faa‘ido ah lahayn, loona baahan yahay in ay yaraanta ku guursadaan.

Wuxuu Sheekh Kenyawi tilmaamay, in siyaabo Khaldan loo turjumay hadalkiisii hore, codkiisana la isku jarjaray, balse waxaa uu qirtay inuu ka dhacay gef, Wuxuuna xusay  inuu ka xun yahay wixii dhacay, isagoo caddeeyay inaanu kasoo horjeedin waxbarashada gabdhaha, balse uu ku talinayay in ay dumarku yaraanta ku guursadaan.

“Waxaad ogaataan Soomaalaay inaanan diidanayn waxbarashada dumarka, bal aan dhiirri galinayo, oo aan weliba garab taaganahay in dumarku waxbartaan. Maxaa yeelay waxbarashada dumarku waa waajib diini ah,” ayuu yiri Sheekh Kenyawi.

Dad badan oo ku xiran baraha bulshada una badan dumar, ayaa si aad ah uga falceliyay hadalka Sheieh Kenyaawi uu raali-gelinta ka bixiyay, waxayna wadaadku ku eedeeyeen inuu kasoo horjeedo waxbarashada dumarka.

Halka hoose ka daawo Muuqaalka raali-gelinta Sh. Kenyawi:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...