Sunday, December 14, 2025
26.5 C
Mogadishu

XOG: Wakiilka QM ee Somaliya, Swan oo mar kale ku baaqay doorasho xor ah oo ka dhacda Jubbalaan

Kismaayo (Halqaran.com) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa ku baaqay in doorashooyinka maamulka Jubbalaan ay ahaadaan kuwo xor iyo xalaal ah.

Qoraal ah oo uu diray danjiraha Guddiga Doorashooyinka Jubbalaan ayuu ku tilmaamay in tallaabooyinkii ay guddigu uu qaadeen ay ahaayeen kuwo gaabis ah.

Guddiga Goorashooyinka Jubbalaan ayaa dib u furay diiwaan gelinta musharrixiinta iyo kordhinta xilliga ay dhacayso doorashada madaxweynaha, taasoo beesha caalamku ay u aragto muddo aan ku filneyn.

Mr. Swan ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin lagu ballaarinayo hannaanka doorashooyinka si ay u noqdaan kuwo hufan oo mudnaanta siiya arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha.

”Hadii aan la tixgelinin cabashada saamileyda siyaasadda Jubalaan waxaa jiri doonta khatar ku aaddan in aan lagu wada farxin lagu wada kalsoonaan natiijada geedisocodka doorashada taas oo muhiim u ah midnimada iyo xasilloonida Jubalaan” ayuu yiri Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa sheegay in haddii aan xal buuxa laga gaarin arrimaha waaweyn ee uu muranku ka taaganyahay ay halis tahay in natiijada doorashada ay weydo taageerihii lagama maamrmaanka u ahaa ee lagu ilaalinayay midnimada iyo xasilloonida Jubbalaan iyo waliba dib u dhiska guud ee dowladnimada Soomaaliya.

Maalmihii ugu dambeeyay ayay beesha caalamka wadday dadaallo ay maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ay uga dhaadhicinayso in hannaanka doorashada maamulka uu noqdo mid hufan oo siyaasiyiinta mucaaradkuna ka qeyb qaataan.

Xafiisak Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...