Thursday, September 17, 2026
24.8 C
Mogadishu

XOG: Maxaad ka ogtahay Sababta xilka looga qaaday taliyihii NISA ee Galmudug?

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin, ayaa xilkii si rasmi ah uga qaaday Taliyihii Nabad Suggida qaybta Maamulka Galmudug Cabdi Maxamuud Jaamac (Cabdi Dheere).

Xil ka qaadistaan ayaa ka dambeysay, kadib markii sida la sheegay intii ay socotay hawlaha doorashadii Galmudug uu Cabdi Dheere faraha la galay arrimo Siyaasadeed.

Cabdi Dheere ayaa la sheegay inuu faraha la galay qaar ka mid ah ergadii Xildhibaanada soo xuleysay inuu ka dalbaday shaqsi uu watay inay Xildhibaan ka dhigaan, taasi oo keentay Ergada qaar inay u dacwoodaan Fahad Yaasiin, sidaasina Cabdi Dheere loogu yeeray Muqdisho inuu yimaado.

Maalmo uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho, kadib waxaa soo baxday digreeto xilka looga qaaday, sidoo kalena Sarkaal cusub loogu magacaabay xilkaasi.

Sarkaalka cusub ee Taliyaha qaybta Nabad Suggida Galmudug loo magacaabay ayaa waxaa lagu magacaabaa Macalin Mahdi, kaasi oo ka mid ahaa Saraakiisha NISA ee ka hawgeli jirtay Muqdisho.

Arrintaan ayaa muujinaysa in Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya faraha ay kula jirto arrimaha Siyaasadda dalka, islamarkaana ay ka gaabisay shaqadii loo igmaday.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...