Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta ka hadlay wararka sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu booqasho ku taggi doono Magaalada Hargeysa.
Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay inaanu isagu waxba kala socon safarka la sheegay inuu Madaxweynuhu ugu amba bixi doono Xarunta Somaliland ee Magaalada Hargeysa.
“Anigu wax wara kama hayo safarka la leeyahay Madaxweyne Farmaajo ayaa ku tagaya Hargeysa, kana hadli maayo.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.
Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee la sheegay inuu ugu safri doono Magaalada Hargeysa ayaa hadalhayn badan ka dhex dhalisay siyaasiyiinta iyo bulshada reer Hargeysa.
Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirka Warfaafinta Somaliya oo deegaan ahaan ka soo jeeda Somaliland ayaa dadka reer Somaliland kula taliyay inay buuqa iska daayaan.
Wasiir Maareeye ayaa ku baaqay inay dadka reer Somaliland la yimaadaan siyaasad iyo talo ay kula jaan-qaadi karaan is bedelka siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee caalamka ka jira, haddii ay ka haraana aynaan markale fursad u heli doonin meel ay kala qabsadaan.
“Waxaan jeclahay inaan talo halkaan uga soo jeediyo shacabka iyo madaxda reer Somaliland oo runtii ah meelaan ka soo jeedo, wanaagna aan la jeclahay, waxaan kula talinayaa buuqa iska daaya, oo la yimaado siyaasad iyo talo aad kula jaan-qaadi kartaan is bedelka siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee ka socda Geeska Afrika iyo adduunka, oo haddii aad ka hartaan mar dambe meel aad kala qabsataan eednaan heli doonin.” Ayuu yiri Wasiir Maareeye.
Si kastaba, hadalka Wasiir Maareeye ayaa u muuqdo jawaab furan oo ku socota Siyaasiyiinta Somaliland, oo si kulul kaga falceliyay wararka la xiriira booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Magaalada Hargeysa.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com