Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xiray waddooyinka soo gala Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Ciidamadda ayaa xiray Wadada Ex-Koontarool Afgooye ee duleedka koofureed ee magaaladda Muqdisho taasi oo muhiim u ah isu socodka Muqdisho iyo qaar kamid ah Goboladda dalka ,waxaana halkaas lagu gooyay dhagaxaan waa weyn.
Sida ay Halqaran.com u sheegeen dadka deegaanka ciidamadda ayaa xalay iyo subixii Axadda dhagaxaan ku xirayay waddada, waxaana saakay loo diiday in ay adeegsadaan gaadiidka dadweynaha, waxayna gaadiidka ay ka leexanayaan Xaruntii hore ee Ciidanka Asluubta ee ku dhow Ex Koontarool Afgooye.
Lama oga ilaa iyo hadda sababta ka dambeysa in dhagaxaan lagu gooyo Wadada Ex Koontarool Afgooye,xili qorshahaan oo kale ay dowladda ka sameysay Magaaladda Muqdisho.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com