Friday, June 12, 2026
27.5 C
Mogadishu

XOG: Maxaa ka Ogtahay in RW Kheyre uu dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ku wareejiyay 150,000 Dollar? +Ujeedka.

Bixid, Madaxweyne Lafta-gareen, Dhexe, RW Xasan Cali Kheyre oo Baydhabo jooga

Baydhabo (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku jooga magaaladaasi uu dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ku wareejiyay lacag gaareysa 150,000 oo Dollarka Mareykanka.

Lacagtaasi ayaa la sheegay in lagu horumarinayo laguna dayactirayo garoonka kubadda cagta ee Dr Ayuub Stadium ee magaalada Baydhabo.

Garoonka ciyaaraha ee Dr Ayuub ee casriyeynta lagu sameynayo ayaa qayb ka qaadanaya is-dhexgalka bulshadda, horumarinta ciyaaraha iyo soo saarista dhalinyaro leh xirfad ciyaareed wanaagsan oo qaranka ku matala tartamada caalamiga iyo kuwa heer gobol.

Wasiirka Ciyaaraha Koonfur Galbeed, Cali Dhuux ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay taageerada dhaqaale ee uu ugu deegay barnaamijka horumarinta garoonka ciyaaraha magaalada Beydhabo.

RW Xasan Cali Khayre ayaa maalin ka hor, isagoo la hadlaya kumanaan ka tirsan shacabka reer Baydhabo ayaa ballaan qaaday in la horumarinayo garoonka ciyaaraha Dr. Ayuub si dhalinyaradu ay u helaan fursad ay ku horumariyaan xirfaddooda ciyaareed.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...