WAR DEG DEG: Nin ka tirsanaa Al-Shabaab oo Caawa ka baxsaday Xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho!

Xilli habeen ah Caasimadda Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa caawa Saldhiga degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ka baxsaday nin ka mid ahaa Maxaabiista ku xirnaa Saldhigaasi.

Ninkaan Maxbuuska ah ayaa baxsaday xilli askarta Saldhiga ku sugnayd ay fadhiyeen irida hore ee Saldhiga, islamarkaana waxaa eryaday mid ka mid ah askartii Banaanka joogtay oo rasaas kor u riday, ugu dambeyna soo qaban waayay.

Askari kale oo aan aheyn kii xabada dusha sare u riday ayaa la sheegay inuu qabtay ninka maxbuuska ah, balse muddo Shan daqiiqo ah oo ay dagaallamayeen askariga iyo Maxbuuska, isla markaana shaqsiga maxbuuska uu la qabsaday qoriga ugu dambeenna askarigii uu sii daayay maxbuuskii.

Maxbuuska ah ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana ay u suuragashay gabi ahaanba gacanta Ciidanka iyo Saldhiga inuu ka baxsado.

Taliyaha Saldhiga Degmada Waaberi oo lagu magacaabo Maxamed Mooshin, ayaa la sheegay inuu 20 daqiiqo kadib yimid, islamarkaana uu canaan ku bilaabay askartii shaqada ku qornayd iyo askarigii haayay furaha qolka maxbuuska ku xirnaa.

Si kastaba, saldhiga Booliska Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa aad u habacsan, waxaana askarta ku sugan lagu eedeeya kuwa aanay feejignaan ka muuqan.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com