Monday, May 18, 2026
27.3 C
Mogadishu

Maxaa ka mid ahaa Su’aallaha ay ergada Shirka Dhuusamareeb weydiiyeen Wasiirka Amniga Soomaaliya!

Wasiirka Amniga Soomaaliya, Mudane Islow

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Ergada ku sugan Shirka ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, ayaa maanta waxa ay Su’aalo waydiiyeen Wasiirka Amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle.

Wasiir Islow oo Ergada hortagay ayaa waxaa Su,aalo badan laga waydiiyay arrimaha ammaanka deeganada Maamulka Galmudug iyo qorshaha Wasaaradda Amniga Somaliya ay ugu talo gashay deeganadaasi, xilli Shabaab ay haystaan deegaano ka mid ah maamulka Galmudug.

Su’aalaha Ergada ay waydiinayeen Wasiirka Amniga Somaliya ayaa waxaa ka mid ah qorshaha Shabaab looga saaraayo deeganada Maamulka Galmudug uu ka taliyo.

Wasiir Islow oo ka jawaabaayay Su’aalaha Ergada ay waydiiyen, ayaa u sharaxay qorshaha dhanka ammaanka & horumarada laga gaaray, waxaana uu sheegay in meel wanaagsan ay marayaan.

Wasiirka ayaa u sheegay Ergada in Ciidamada Xoogga dalka Somaliya dhawaan deeganada Maamulka Galmudug ay ka bilaabi doonaan hawlgalo dhanka ammaanka ah, islamarkaana lagu wajihi doono deeganada Shabaab ay maamulaan.

Ururka Al-Shabaab ayaa haysta magaalooyin waaweyn oo ka mid ah deeganada Maamulka Galmudug, mana jirto qorshe cad oo dowladda u dajisay sidii deeganadaasi Shabaab looga saari lahaay.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...