Australia (Halqaran.com) – Dowladda Australia ayaa si rasmi ah u shaacisay in Ururka Daacish faraciisa Soomaaliya loo aqoonsaday argagixiso, sidoo kalena uu qatar ku yahay ammaanka dadka dalka Australia.
Agaasime ku xigeenka Hay’adda sirdoonka dalka Australia Heather Cook ayaa xukuumadda u gudbisay soo jeedin ay sameeyeen Guddiga sirdoonka ee dalka Australia.
Qoraalka ay Gudbiyeen Guddiga ee dowladda ogolaatay ayaa waxaa ku xusan in dadka asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ay xiriir la yeelan karaan Daacishta Soomaaliya.
Waxyaabaha laga digay waxaa ka mid ah in ay geystaan Afduub una geystaan dad Reer Galbeed ah iyo kuwa u dhashay Australia ee dalkaasi ku sugan.
Dowladda Australia ayaa sheegtay in Daacishta Soomaaliya ay aas aasan tahay shan sano ka hor islamarkaana weerarro ka fuliso gudaha Soomaaliya oo ay ku beegsatay Dowladda Somaliya & Ciidamada Ajaanibta ah.
Dhowr jeer oo hore ayaa weerarro ka dhacay Dalka Australia waxaa geystay dad Soomaali ah,waxaana mas’uuliyadda weerarradaas sheegatay Kooxda Daacish.
Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.com