Wednesday, April 22, 2026
28.6 C
Mogadishu

XOG LA HELAY: Puntland oo heshiis saameyn xooggan ku leh DF Somaliya la gashay Shirkadda Blackwater.

Muqdisho (Halqaran.com) – Shirkada Blackwater ayaa mar kale soo laba kacleysay marka loo Eego hanqal taageeda Soomaaliya iyo Mashaariicda ay ka fulineyso.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo dalka ka maqan ayaa waxa la sheegay in uu soo xir xiray Mashaariicyo dhaqaale badan Puntland ku heleyso.

Sida muuqata waxay Mar kale jebisey Puntland Amar kasoo baxay Dawlada Dhexe oo ahaa in Ajaanib lala geli Karin Heshiis oo aysan Dawlada Federaalka waxba ka ogeyn.

Amarkaasi ayaa bilo ka hor waxaa ka dhawaajiyey Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed cabdi Xayir (Maareeye) balse warkiisa waxaa laga dhigay mid aan waxba kasoo bixin.

Shirkada Blackwater ayaa shirkad ka farcantay oo Shiinaha laga leeyahay dhanka amniga iyo lojiistikadana qaabilsan ayaa lagu wareejiyey Garoonka Diyaaradaha Garowe ee General Maxamed Abshir Haamaan.

Shirkada Qandaraaska qaadatay waxaa lagu magacaabaa Frontier Service Group, waxaana Xerada Xalane oo kale ay ka hirgelin doonaan Garoonka Diyaaradaha Garowe.

Heshiiskaasi waxaa Puntland ay sheegtay inay ku faraxsan tahay waxaana goob joog ka ahaa meesha lagu saxiixay Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Karaash.

Si kastaba, Blackwater ayaa lagu xantaa inay weeraro Amni daro iyo qaraxyo ka fulisey gudaha Soomaaliya,Qarax lagu dili lahaa Fu’aad Shongole 2010-kii ayaa lagu Eedeeyey inay ka dambeysay Qaraxaas oo ka dhacay Masjidka Cabdalla shideeyaha Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...