Boosaaso (Halqaran.com) – Waxaa magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa xabsi ku yaalla mar kale lagu xiray Siyaasi deegaanada Puntland caan ka ah, kaasi oo lagu Magacaabo Muuse Cali Jaamac.
Sababta loo xiray Siyaasi Muuse Jaamac ayaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii isaga iyo Odayaal kale oo la xiray ay dhaliil kulul u jeediyeen Xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.
Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Puntland ayaa Muuse Cali Jaamac ka qabtay Gudaha Magaalada Boosaaso, isla markaana waxaa la dhigay Xabsi, kaasi oo ay horey Puntland u xiray, kadib markii lagu eedeeyay inuu Akhriyay War-saxaafadeed kasoo baxay Shir looga soo horjeeday Puntland.
Intaasi kadib xiligaas Siyaasi Muuse Jaamac ayaa waxaa lasoo taagay Maxkamad ku taalla Boosaaso, waxaana ay amartay Maxkamadda in xabsiga laga siidaayo Siyaasiga, hayeeshee mar kale ayaa la xiray.
Waxay aheyd maalmo ka hor markii labda Nabadoon oo eedeeynu jeediyay Puntland lagu xiray Magaalada Boosaaso, sidoo kalena kasoo horjeestay heshiiska DP World iyo Garoonka diyaaradaha Boosaaso loogu dhiibay Shirkad laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com