Tuesday, April 21, 2026
28.7 C
Mogadishu

Duqa Muqdisho ‘Filish’ oo guddoomiye cusub u magacaabay degmada Shaangaani, kaddib markii

Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Filish

Muqdisho (Halqaran.com) – Duqa Magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa guddoomiye Cusub u Magacaabey degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir, kaddib markii Guddoomiyihii degmadaas ay ku geeriyootay qarixii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Duqa Muqdisho ayaa waxaa Guddoomiyaha degmada Shangaani loogu Magacaabey Aweys Camuudi kaas oo lagu bedelay Sahra Markeyzi oo kamid aheyd Guddoomiyeyaashii ku geeriyooday 24-kii Bishii July qarixii ka dhex-dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Ninkaan ayaa la sheegay inay qaraabo dhaw yihiin Guddoomiyihii Degmada ee geeriyootay.

Waa Guddoomiyihii ugu horreeyay ee Duqa Muqdisho uu magacaabo tan iyo markii xilkaasi loo magacaabay.

Degmada Waaberi ayaa wali waxa ay tahay Guddoomiye la‘aan maadaama guddoomiyihii degmadaasi uu ku dhintay Qaraxii xarunta Gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...