XOG: Maxaa Ka Jira in Mooshin laga wado Madaxweyne Saciid Deni?

Muqdisho (Halqaran.com) – Saacadihii aynu soo dhaafnay waxaa baraha bulshadda qabsaday hadal heyn ku aadan in ay jiraan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo Mooshin kawada Madaxweynaha Maamulkaas Saciid Cabdullaahi Deni.

Xildhibaanadda mooshinka wada ayaa la sheegay in ay taageero ka helaan Dowladda Dhexe ee Soomaaliya, oo maalmihii dambe Faragalin ku haysay siyaasadda Dowladd Goboleedka Puntland.

Wararka la xiriira in mooshin laga gudbiyay madaxweyne Deni, ayaa si weyn maanta looga hadal-hayaa goobaha lagu sheekaysto ee meheradaha iyo hoteellada ku yaallla Magaaladda Garoowe.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka puntland oo loogu hadlaayo Mooshinka Madaxweyne Saciid C/laahi Deni la sheegay in laga wado.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com