Friday, June 5, 2026
27.8 C
Mogadishu

XOG: Galmudug oo lagu qabtay nin waday lacag doollar been abuur ah, xagee buu kala yimid?

Cadaado (Halqaran.com) – Ciidamada Booliska Galmudug ayaa maanta gacanta ku dhigay nin waday dollar been abuur ah, iyadoo Ciidamada Booliska ay iminka su’aalo weydiinayan ninkan.

Ninkan ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, ka dib hawlgal ay Ciidamada Booliska ka sameeyeen gudaha Magaalada Cadaado.

Lacagtan ayaa waxaa cadadkeeda lagu sheegay toban kun oo lacagta Mareykanka ah ($10,000), waxaana la sheegay in lagu raadjooggo ninkii lacagtaasi loo waday.

Saraakiil Booliska Galmudug ka tirsan ayaa waxaa laga soo xigtay in lacagtaasi laga keenay Magaalooyinka Baledweyne iyo Gaalkacyo ee Gobolada Hiiraan & Mudug.

Saraakiisha ayaa waxay kaloo sheegeen in ninkan ay hadda su’aalo ku weydiinayan mid ka mid ah xarumaha hay’adaha ammaanku ku leeyihiin Magaalada Cadaado, isla-markaana ay ku daba jooggaan ninkii lacagtaasi loo waday.

Ugu dambeyn, deegaanada Galmudug ayaa waxaa ku badan lacagaha been abuurka ahi ee lagu qabto, xilli siyaabooyin kala duwan looga keeno Magaalooyinka Gobolada Dhexe qaarkood.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...