XOG CUSUB: Wararkii ugu dambeeyay ee Kismaayo iyo Doorashada Jubbaland ee berito +(WARBIXIN)

Kismaayo (Halqaran.com) – Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG Maamulka Jubbaland waxaa Khamiista berrito lagu wadaa in ay ka qabsoomto Doorashada Madaxweynaha Jubbaland, iyadoona ay wax dooran doonaan Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa maanta ka dhaqangalay awaamiirtii shalay lagu soo rogay, iyadoo uu hakad ku jiro dhaqdhaqaaqii gaadiidka ee xuduudaha magaalada. Kismaayo waxaa Talaadadii si ku meel gaar ahi looga joojiyay gaadiidka dhulka, badda iyo cirkaba, illaa iyo inta doorashada laga soo geba-gabeynayo.

Gaadiidkii khudradda iyo caanaha keeni jiray Magaalada Kismaayo ayaa waxaa la soo sheegaya inaanay maanta imaanin magaalada, ka dib markii ciidan fara-badan lagu daadiyay wadooyinka soo gala magaaladaasi, laguna amray inay celiyan gaadiidka magaalada soo gelaya. Wararka ayaa intaa ku daraya in Garoonka Kismaayo aanay maanta ka soo cago dhigan wax diyaarad ah.

Suxufiyiinta ayaa soo sheegaya in maanta magaalada lagu soo daadiyay ciidan fara-badan, kuwaa oo lagu arkayo wadooyinka, iyagoo hubinayo dhaqangelinta awaamiirtii lagu soo rogay Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

General Cabdi Mahdi C/salaan oo ka mid ah Guddiga Amniga Jubbaland ayaa waxa uu sheegay in si joogto ah loo hawlgeliyay Ciidamada Booliska Jubbaland iyo kuwa Amisom, si ay u suggaan amniga magaalada iyo goobta doorashada ay ka dhaceyso.

General Cabdi Mahdi ayaa xaqiijiyay in amarada Magaalada Kismaayo lagu soo rogay ay jiri doonaan inta u dhaxeyso 20-ka illaa 23-ka bishan oo ku aadan maalinta Jimcaha.

Sidoo kale shirkadaha xawaaladaha iyo bangiyada magaalada ku yaala ayaa waxaa maanta laga dareemay mashquul, iyadoo ay dadku lacago xoog leh ka qaateen, kalana baxayn bangiyada. Lacagahan waxay u muuqdaan kuwo looga qayb qaadanayo doorashada.

Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad Jubbaland oo ka kooban 75 xubnood ayaa waxay dooran doonaan illaa afar musharax oo u taagan Doorashada Jubbaland. Musharaxiintan waxaa la sheegay inaanay ka mid ahayn midowga musharaxiinta mucaaradka.

Doorashadan oo khilaaf xoogani uu hareereeyay ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in midowga musharaxiinta mucaaradka, ay iyaguna berrito dooran doonaan Madaxweyne, taasoo sii culeynaysa khilaafka wiiqay doorashadan.

Dowladda Federaalka Somaliya ayaa toddobadkan ku celisay inaanay aqoonsan doonin natiijo kasta oo ka soo baxda Doorashada Madaxtinimada Jubbaland, sababo ku aadan doorashada oo aan loo marin sifo sharci ah.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka mid ah afarta musharax ee doorashadan ku tartami doona ayaa dadaal ugu jira, sidii markale lagu soo dooran lahaa, iyadoo uu dhegaha ka fureysanayo digniinaha ka soo yeeraya Dowladda Federaalka. Marka aad milicsato sida uu Axmed Madoobe wax u rabo ayaa waxaad arkeysaa inay u muuqato oo qura, sidii uu markale xilka ugu soo noqon lahaa.

Dadka badankii ayaa qaba fekerka ah in Axmed Madoobe uu ku soo laaban doono xafiiska, haddii aanay wax mucjiso ahi dhicin, balse midda ay isweydiinayan ayaa ah waxa uu ku dambeen doono mustaqbalka Jubbaland.

Doorashadan oo noqoneysa tii ugu adkeyd oo uu marti-geliyo Maamul Goboleed Dalka ka jira ayaa dibadda u soo saartay loolanka Itoobiya iyo Kenya. Kenya oo isbahaysi la ah Axmed Madoobe ayaa ka shaqaynaysa, sidii uu ninkaasi ugu soo bixi lahaa Madaxtooyada Jubbaland, halka Itoobiya oo ay cadahay inay la safan tahay Dowladda Federaalka ay dooneyso inaanu Axmed Madoobe ku soo laaban shaqada.

Si kastaba, shacabka reer Jubbaland, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Magaalada Kismaayo oo indhaha uun ka daawanaya waxa ka socda Kismaayo ayaad arkeysaa in ay ku kala qaybsan yihiin doorashada, iyadoo ay la kala safan yihiin labada awoodood ee doorashada ku hardamaya.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com