Sunday, December 14, 2025
26.5 C
Mogadishu

Xildhibaan Cosoble oo Madaxda DF Soomaaliya Ku eedeeyay in ay Diidan Yihiin Maqaamka G/Banaadir + SIR BADAN

Muqdisho (Halqaran.com) – Mid ka mid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  oo lagu magacaabo Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble Cali ayaa Madaxda Dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay hortaagan yihiin Maqaamka Gobolka Banaadir.

Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble Cali ayaa sheegay, in Xildhibaanka in shacabka ay isu soo bixi doonaan, shirkoodana ay qabsan doonaan, ayna ku dhawaaqi doonaan wax ay raalli ka yihiin.

Wuxuu kaloo sheegay, Xildhibaan Cosoble oo ka mid ah xubnaha horbaadaya in la helo Maqaamka Gobolka banaadir in shacabka Gobolka Banadir dhibaato lagu hayo xili walba.

”Dadka Gobolka Banaadir degan waa dadka kaliya ee maanta dowladda Dhexe ayaga ku haayo, canshuur ku haayo, amni ku haayo, ciidan ku haayo, hadana looma ogolo in Duq Magaalo iyo Guddoomiye Gobol soo doortaan, inta aan la gaarin maqaam Caasimad, caasumadda maxay noqonayee, anaga waxaa rabnaa Gobolka Banaadir inuu yeesho Gole deegaan ay dadka soo doortaan” ayuu yiri Xildhibaan Cosoble.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...