Garoowe (Halqaran.com) – Warar goor-dhow soo gaaray mareegta Halqaran.com, ayaa sheegaya, in madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni uu diyaaraddii uu u raacay Magaalada Kismaayo ay si lama fillaan ahayd uga degtay Magaalada Garoowe.
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland oo Arbacadii galabta ka soo ambabaxay Magaalada Boosaaso ayaa lagu waday in ay gaaraan Magaalada Kismaayo, balse ay diyaaraddu ka dejisay Magaalada Garoowe.
Sababaha ay uga baaqdeen safarkoodii Kismaayo ayaa waxaa loo maleynaya in ay tahay iyagoo Kismaayo ku beegnaa xilli habeen ah, isla-markaana aanu Garoonka Kismaayo u diyaarsanayan qaabilaadda diyaaradaha ee xilliyada habeenkii.
Garoonkan oo lagu magacaabo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayaan lahayn nalalka waaweyn ee diyaaradaha u sahli kara in ay soo cago dhigtaan, sidoo kale aanay Shaqaalaha Garoonka madowga habeenkii haki karin diyaaradaha.
Khamiista berrito ayaa waxaa lagu wadaa in wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland ay ka ambabaxaan Magaalada Garoowe, ayna gaaraan Magaalada Kismaayo.
Wafdiga Madaxweyne Deni ayaa waxay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose kaga qaybgali doonaan caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Isku soo wada duub, xafladda caleemo saarka ee Madaxweynaha Jubbaland ayay ku kala qaybsamayn dhinacyada ugu tunka weyn ee Soomaaliya, sababo ku aadan Dowladda Federaalka oo qaadacday tallaabadii lagu soo doortay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com