Friday, April 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

DEG DEG: Xubin muhiim oo ka mid ah guddigii Galmudug ee la magacaabay oo is-casilay

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Xog ay helayso mareegta Halqaran.com ayaa waxa ay sheegayaan, in uu is casilay xubin ka mid ah Guddiga Farsamada Dhismaha Galmudug, kuwaa oo loo wakiishay inay bilaabayan dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Guddigan ayaa waxaa xalay magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya, waxayna ka kooban yihiin saddex iyo toban xubnood, oo qaarkood ku dhow Villa Soomaaliya.

Xaliimo Cabdi Cali oo ka mid ah Guddiga Farsamada Dhismaha Galmudug ayaa waxay ka soo horjeedsatay xilkaasi, iyadoona iska casishay.

Sababaha ugu weyn ee isu casishay Xaliimo Cabdi Cali ayaa lagu sheegay in iyadoo qura ay haween/dumar ka tahay guddiga ay soo magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Xaliimo Cabdi Cali ay daneynayso in ay ka mid noqoto Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Galmudug, oo lagu wado in lagu soo doorto Magaalada Dhuusamareeb.

Haweenka fir fircoon ee Galmudug ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay lagu dhiira-gelinayay in ay ka qayb qaataan Siyaasadda Galmudug, isla-markaana ay xilal ka raadsadaan dhismaha maamulka cusub.

Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, Galmudug ayaa qaadacday magacaabista guddigan, waxayna sheegeen in dhankoodu ay soo magacaabi doonaan guddi kale, haddii aan dib loogu laaban magacaabista guddigaasi.

Madaxda Galmudug ayaa waxay kol hore ka sii diggeen in Wasaaradda Arrimaha Gudaha aanay ka tala gelin magacaabista guddigan.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa iminka taageero u muujiyay guddigan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...