Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daddaal dheer kaddib wuxuu xalay la kulmay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam oo ah Suldaanka guud ee mandiqada Sanaag iyo Haylaan.
Mr Deni ayaa dhawaan diiday in ay wada hadlaan, kaddib dhacdadii lagu weeraray xarunta baarlamaanka Puntland, xilkiina laga qaaday Afhayeenkii baarlamaanka Puntland Cabdi-xakimin Dhooba-Daareed.
Kulanka oo xogtiisa aad loo adkeeyey, haddana warar hoose oo aan ka helnay ka qeybgalayaashii madashaasi qaarkood ayaan ka go’aanay in labada dhinac ay aad uga wada hadleen ficiladii la sameeyey.
Isinka guud ee Beesha Warsangali iyo Nabadoonada uu hoggaaminayay ayaa Madaxweynaha Puntland ku eedeeyey in uu duulaan ku soo qaaday beeshaas, isla markaasna uu galay dambi gaar ah oo in uu weerar ku qaado xarun baarlamaan.
Wuxuuna sidoo kale, awood qeybsigii Puntland lagu dhisay uu ku xadgudbay oo uu sameeyey tallaabo ka dhan ah, markii ay Xukuumaddiisu abaabushay mooshinkii xilka looga qaaday Afhayeenka baarlamaanka.
Intii uu socday Kulankan ayaa waxaa diiradda la saaray sidii tabashadaas xal looga gaari lahaa, iyadoo uu Madaxweynaha Puntland raaligalin ka bixiyey ficilkii lagu weeraray xarunta baarlamaanka, sidaas oo kalena wuxuu ku eedeeyey Guddoomiyihii baarlamaanka in uu ka dambeeyey is afgaran waa socday mudo oo xal loo waayay, sida uu ku dooday madaxweyne Deni.
Madaxtooyada Puntland ayaa bixisay Mag dhaw ku saabsan khasaarihii ka dhashay weerarkii ay ku qaaday Xarunta baarlamaanka, gaar ahaana dhimashadii Askari katirsanaa ilaalada Guddoomiyaha baarlamaanka, sidaas oo kalena ay sheegtay in ay ka xaal-bixinayso dhacdadaas.
Xog hoose oo ay haleyso Halqaran.com, ayaa sheegaya in weli aysan jirin heshiis rasmi, waxaana sharuudaha ay Odayaashu hordhigeen Madaxweynaha Puntland ka mid ahaa in uu caddeeyo mawqifka arrintaas oo uu masuuliyadeeda si bareer ah u qaato, kana sheegaan warbaahinta dawladda.
Ugu dambeyn, xogta ayaa intaasi ku daraysa, in ay jirtay is afgarad hoose oo labada dhinac dhexmaray, kaas oo ku wajahan cidda hadda noqonaysa guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland oo ay taageerayso dowladda Puntland.
XOG: Shariif Sh. Axmed ‘‘Wallaahi waan ka bixineynaa DFS Muqdisho, haddii aysan dulmiga joojin”
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com