Tuesday, June 2, 2026
26.5 C
Mogadishu

XOG CUSUB: Xiddig ”Shirqool ayaa ka billowday magaalada Kismaayo, oo lagu u gaarsanayo xubnaha ka tirsan…”

Kismaayo (Halqaran.com) – Cabdi-rashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ah saddexda madaxweyne ee dhowaan lagu doortay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in shirqoolo ka dhan ah xubnaha isbedal doonka uu ka bilowday magaaladaasi.

Cabdi-rashiid Xiddig oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa xaqiijiyey in la beegsanayo qaar ka mid ah xubnihii la doortay, golaha baarlamaanka, odoyaasha dhaqanka iyo guud ahaan shacabka isbedel doonka, sida uu hadalka u dhigay.

”Dhammaan isbedel doonka Jubbaland waxaan idiin xaqiijinayaa inay bilaabatay shirqoolo lagu ugaadhsanayo xubnihii isbedel doonka iyo qaar kamida xubnihii la doortay, golaha baarlamaanka , odoyaasha dhaqanka iyo guud ahaan shacabka isbedel doonka.” ayuu yiri Xiddig.

Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta oo Xiiso Leh



Xiddig ayaa sidoo kale xusay, in aysan jiri doonin cid hor istaagi karta geediga isbedelka Jubbaland, islamarkaana ay guuleysan doonaan.

Hadalka Xiddig ayaa ku soo aadaya, xilli dhowaan doorashooyin iska horjeed ay ka dhacayeen Kismaayo, laguna doortay Axmed Madoobe, Cabdirashiid Xidig, iyo Cabdinaasir Seeraar.

Ugu dambeyn, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland xafladda caleema saarka ee Axmed Madoobe ayaa dhaceysa 26-ka bisha September soo socota.

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...