Thursday, November 13, 2025
26.1 C
Mogadishu

XOG: 3,000 oo Ciidamada Itoobiya oo ka baxaya Somaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Sida ay xaqiijinayaan saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa sheegaya, in Itoobiya ay dib u celineyso kumanaan askari oo ka joogay Soomaaliya, kuwaasi oo Dowladda Federaalka ka caawinayay dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.

Ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ayaa imaanaya, iyadoo askarta federaalka ay weli la dagaallamayaan xoogag daacada u ah xisbiga talada haya ee woqooyiga Itoobiya ee gobolka Tigrayga.

Dowladda Itoobiya ayaa u yeertay ilaa 3,000 oo askari si ay uga caawiso weerarka Tigrayga, waxaana Ciidankaasi lagu amray in aysan muujin ka bixitaankooda Soomaaliya oo uu ahaado mid ciidan.

Ciidamada la bixinayo waa askarta Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya ee hoos yimaada taliska 5,000 oo ka socda dowladda Itoobiya oo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Si kastaba, ciidanka Itoobiya ayaa inta badan waxa ay ka howlgallaan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, Sidoo kalena waxaa jira Ciidmao ka tirsan AMISOM oo ka socda Itoobiya oo fadhigoodu yahay maamullada Jubbaland iyo Hirshabeelle.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...