Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Sabtidii maanta kormeer shaqo ku tegay garoonka kubbadda cagta ee Hargeysa Istadium oo ay si habmsi leh uga socdaan ciyaaraha gobollada Somaliland iyo xarumo kale oo ay dawladdu leedahay.
Muuse Biixi ayaa kormeerkaan ugu kuur-galay hannnaanka ay shaqada Xukuumadiisa ee maalinlaha ah uga socoto.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in ciyaaraha gobollada ee haatan ka socdaa ay Somaliland u soo jiideen sumcad, islamarkaana ay muujisay awoodda xirfadeed ee ciyaaryahannada Somaliland leeyihiin.
Wuxuu caddeeyay Muuse Biixi inay ciyaaruhu si nabad ah u socdaan, isagoo ammaanay ciidamada ammaanka ee amniga dhawraya.
“Qaranka, dadweynaha Hargeysa deggen, ciyaartoyda iyo madaxda ciidamada waxan leeyahay waa nabad ciyaaruhuna nabad bay ku soconayaan, waynu ku filanahay, ciidamadana waan ku ammaanayaa dulqaadka iyo siday u shaqeeyeen,” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu u duceeyey dhammaan ciidamadii iyo taageerayaashii kala duwanaa ee ku waxyeelloobay shaqaaqadii ka dhacday ciyaartii shalay dhexmartay gobollada Hawd iyo Daad-mareer.
Muuse Biixi ayaa ugu dambeyn, dhallinyarada ku waaniyey inay shucuurtooda kontaroolaan xilliyada ciyaaruhu socdaan, isaga oo warbaahintana uga digay inay baahiyaan inay warar fidno iyo amni darro abuuri kara gaarsiiyaan dhegaha dadweynaha.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





