Sunday, February 15, 2026
25.9 C
Mogadishu

Xildhibaannada golaha shacabka oo Ansixiyay Xeerka Matalaadda gobolka Banaadir

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah waxa ay ansixiyeen Xeerka metelaada Gobolka Banaadir oo maalmihii la soo dhaafay Golaha si adag ay uga doodayeen.

142 Xildhibaan ayaa ansixisay Xeerka Matalaada Gobolka Banaadir, waxaa diiday Afar Xildhibaan, waxaana sidaasi ansax ku noqday Xeerkaan.

Xeerka Matalaada Gobolka Banaadir ayaa wuxuu dhigayaa 13 Xubnood in la siiyo Gobolka Banaadir, maadaama Xildhibaanno gaaraya 140 soo jeedintaas ay horgeeyeen Golaha.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta wuxuu si rasmi ah ugu hiiliyay Gobolka Banaadir, waxaana tani ay noqonaysa guul soo hooyatay.

Xildhibaannada Golaha shacabka Soomaaliya qaarkood ayaa soo dhaweeyay tallaabada maanta Golaha ku ansixiyeen Xeerka Matalaada Gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...