Friday, April 17, 2026
29.9 C
Mogadishu

UPDATE: Kulankii maanta ee Aqalka sare oo baaqday & Madaxtooyada Somaliya oo…

Muqdisho (Halqaran.com) – Warar goor-dhow soo gaaray xafiiska warqabadka Halqaran.com, ayaa sheegaya, in kulankii xildhibaannada Aqalka sare uu baaqday, kaddib markii ay soo xaadiri waayeen qaar ka mid ah Senatorada Aqalka sare ee ka soo horjeeda guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ku-xigeenkiisa koowaad.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Madaxtooyadda ay khilaaf ka dhex waddo Aqalka Sare, islamarkaana maanta in kulanka uu baaqdo ay ka dambeeyeen.

Xildhibaannada ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka dambeeyay Khilaafka ka dhex taagan Xildhibaanada Aqalka Sare.

Sidoo kale, xildhibaannada ayaa waxa ay sheegeen in Sharcigii doorashooyinka ee ay gudbiyeen in xubno ka mid ah Madaxtooyadda Soomaaliya ay wax ka badal ay ku sameeyeen, islamarkaana aysan aqbali doonin.

Xildhibaannadan ayaa xusay, in Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ugu baaqayaan in uu faraha kala baxo howlaha Aqalka Sare.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...