Monday, February 9, 2026
24 C
Mogadishu

Xildhibaannada golaha shacabka oo ansixiyay wax ka bedelka sharciga xisbiyada siyaasadda

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku yeesheen mid ka mid ah kulamadoodii caadiga ahaa.

Kulanka oo ahaa midkii 18-aad ee kalfadhiga 7-aad ee Golaha ayaa waxaa Shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isla markaana waxaa ka qeyb galay 142 Xildhibaan.

Xildhibaanada ayaa dood dheer ay yeesheen, waxa ay ku ansixiyeen Wax ka Bedelka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda oo horey Mudanayaasha Baarlamaanka Akhrinta Koowaad iyo labaad u marsiiyeen.

137 Xildhibaan ayaa ogolaatay in la ansixiyo Wax ka Bedelka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda, waxaa diiday Saddex Xildhibaan, halka 2 Mudane ay ka aamuseen.

Guddoomiye Mursal ayaa ku dhawaaqay natiijada kasoo baxday Coddeeynta, isla markaana waxaa uu shaaciyay in Xildhibaanada ay ansixiyeen wax ka Bedelka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...