Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiiru dowlaha Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) iyo Agaasimaha Guud ee wasaarada waxbarashada Mudane Axmed Xasan Yuusuf ayaa maanta soo xiray imtixaanka Fasalka 12-aad oo Shantii Maalin ee la soo dhaafay ka socday dalka islamarkana ay u fariisteen in ka badan 34, 600 oo arday.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada mudane Axmed Xasan Yuusuf ayaa sheegay in imtixaanku uu ku soo dhamaaday Jawi degan, islamarkaana ay ardayda Soomaaliyeed muujiyeen dadaalkooda ku aaddaan waxbarashada. waxa uuna ardayda u rajeeyay natiijo wanaagsan.
Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa u mahadceliyey cidkasta oo qeyb ka qaadatay oo ay ugu horreeyaan waalidiinta, ardayda iyo Ciidamada Amniga oo qeyb muhiim ka qaatay.
DF Soomaaliya ayaa sannadkii 6-aad oo xiriir ah qaaday imtixaanka shahaadiga dugsiga sare tan iyo burburkii kaddib markii dib loo billaabay sannadkii 2014-kii.
Dowladda ayaa sanadkan waxa ay ku soo kordhisay qaadista imtixaanka dugsiga dhexe.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





