Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in Isniinta berri ah ay yeeshaan kulan xasaasi ah, kaddib markii uu qabsoomi waayay kulan ay Sabtidii shalay yeelan lahaayeen.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaannada maanta u diray in uu jiro Kulanka Golaha, islamarkaana Ajandayaasha ay kala yihiin, Caabuqa COVID19 iyo u codeyn labada xubnood ee Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha.
Kulankii shalay baaqday iyo kan Maalinta Berito ah Xildhibaannada la filayo in ay yeeshaan ayaa waxaa Xildhibaannada qaarkood sheegeen in uu ku hoos jiro Ajande ku saabsan muddo kororsi loo sameeyo Hay’adaha dowladda oo muddo xileedkooda dhamaaday.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa qoral uu soo saaray xalay waxaa uu ku soo bandhgay 15 kamid ah Xildhibaannada oo laga mamnuucay inay ka qeyb galaan 5 kulan ee soo socda, kadib markii uu ku eedeyay inay hor istaageen qabsoomida kulankii shalay.
Xildhibaannada qaarkood oo hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in Go’anka uu qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu yahay mid sharci darro ah, islamarkaana u hoggansami doonin.
Kulanka Golaha Shacabka ay maalinta Berito ah yeelanayaan ayaa waxaa uu noqonayaa mid xasaasi ah oo isha lagu wada haayo, waxaana Xildhibaannada mucaaradka ay sheegayaan in marnaba kulankaas aan laga hor isaatgi karin inay ka qeyb galaan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





