Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya oo Axadda maanta ah kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ayaa ku ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub ee xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Waxaana kulankan shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 277 xildhibaan, balse ka hor ansixinta ayaa waxaa buuq sameeyay qaar kamid ah Xildhibaannada oo dalbanayay in codeynta Xukuumadda laga dhigo qarsoodi balse Guddoomiye Aadan Madoobe uu diiday.
Buuq badan kadib Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa amray in la billaabo codeynta, waxaana ogol ugu codeeyay 229 Xukuumadda cusub, 7 mudane ayaa diiday, halka 1 Xildhibaan uu ka aamusay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in sidaasi lagu ansixiyay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, iyada oo isla goobta lagu dhaariyay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





