Monday, May 25, 2026
26.2 C
Mogadishu

Shacabka Kenya oo dooranaya Madaxweyne cusub

Nairobi (Halqaran.com) – Shacabka dalka Kenya ayaa saaka u dareeray goobaha doorashada, si ay is bedel ugu hoggaamiyaan siyaasadda dalkaasi, dhowrka ee ina soo aaddan.

Doorashadan ayaa ah mid lagu soo dooranayo Madaxweynaha dalka, Xildhibaanada Baarlamaanka, Golaha Deegaanka iyo Wakiilada Haweenka.

Dadweynaha ayaa safafka ugu jira goobaha codbixinta, iyagoona dooranaya Madaxweynaha 5aad ee dalkaasi. Guddiga Doorooyinka ayaana sheegay in la diyaariyay in ka badan 46,000 oo goobood, oo codbixiyeyaashu ay codkooda ka dhiiban karaan.

Loolanka loogu jiro jegada madaxtinimada ee dalkaasi ayaa waxaa ugu cadcad Madaxweyne Kuxigeenka haatan xafiiska joogga William Ruto iyo Hoggaamiyaha Mucaaradka, Raila Odinga, kaasoo la fahamsan yahay inuu taageero ka helayo Madaxweynaha xafiiska baneynaya Uhuru Kenyatta.

Doorashadan ayaa waxaa ka qayb qaadanaya dad tiradooda lagu sheegay 22.1 milyan oo qof, tani oo ay uga dhigan tahay mid taariikhiya.

Dadka odoroso siyaasadda dalkaasi ayaa sheegaya in tartanka uu yahay mid la isugu dhow yahay, isla-markaana ay suurtagal tahay in wareeg labaad oo doorasho la aado.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...