Wednesday, April 22, 2026
27.6 C
Mogadishu

Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo maanta la dhaariyay +(SAWIRRO)

Baydhabo (Halqaran.com) – Xarunta Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ayaa Isniintii maanta lagu dhaariyay 95 Xildhibaan oo Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ah.

Xildhibaanadan ayaa dhawaan la soo bandhigay liiskooda, kadib markii Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ay soo xuleen.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed oo tiro ahaan la yareeyay, ayaa u badan dhalinyaro Aqoonyahano ah, kuwaasi oo laga soo kala xulay dadka ka soo jeeda deeganada Maamulka Koonfur Galbeed.

Inkastoo ay jirto tabasho kala duwan oo beelaha qaar ay ka muujiyeen tirada Xildhibaanada la siiyay ayaa haddana waxaa jirta suurtagalnimada in la kordhiyo liiska Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed si loo qanciyo Beelaha qaar ee tabashada muujinaayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...