Sunday, May 31, 2026
28.1 C
Mogadishu

Xildhibaanada Golaha shacabka oo berri ku kulmaya xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaanada golaha shacabka ee BF Soomaaliya ayaa la filayaa in maalinta berri oo Arbaco ay ku kulmaan xarunta Villa Soomaaliya ee Muqdisho.

Kulankaan ayaa la horkeeni rabaa akhrinta koowaad ee wax ka baddelka Sharciga bucad badeedda, kaasi oo ka mid ah kuwa ugu xasaasisan dalka.

Sidoo kale, Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay ka doodi doonaan dib u eegista miisaaniyadda dalka ee 2020.

Kulankii ugu dambeeyay ee xildhibaannada golaha shacabka ayaa waxaa lagu balamay in Ajandaha kulanka uu noqdo doorashooyinka, balse taa baddelkeeda xilka looga qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Mudane Xasan Cali Kheyre.

Kala soco wixii ka soo baxa kulanka berri Halqaran.com insha allaah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...