Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsanaa xubnaha ugu da’da weyn Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Jimcihii maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Allaha u naxariisto Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa waxaa geeridiisa xaqiijiyay xildhibaanno ka tirsasn Golaha Shacabka.
Marxuumka ayaa soo noqday ra’iisul wasaare ku xigeen iyo wasiirka arrimaha dibadda xukuumaddii R/Wasaare Cali Maxamed Geedi sanadkii 2004-tii, isagoona sanadihii sideetameeyadii soo noqday safiir dalalka Giriiga iyo Ruushka.
Madaxda DF Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee marxuum Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo muddooyinkii u dambeeyay xannuunsanaa.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





