Paris (Halqaran.com) – Waxaa dalka Faransiiska ku geeriyooday Allaha u naxariistee Professor Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi) oo maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanayay isbitaal ku yaalla magaalada Paris ee dalkaas..
AUN Professor Gaandi oo ahaa Siyaasi iyo Aqoonyahan ayaa ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 10aad iyo Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.
Sidoo kale, waxaa uu dowladii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ka soo noqday Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, waxaana uu heystay Dhalashada dalka Canada.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ay isku Hooyo yihiin ayaa ka tacsiyadeeyay Professor Maxamed Cabdi Gaandi oo xanuun haayay ugu geeriyooday dalka Faransiiska.
Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, ayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, Bulshada Jubbaland iyo qoyskii, qaraabadii iyo saxiibadii uu ka baxay uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u Naxariistee Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo ka tirsanaa Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka JF Soomaaliya.
Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in Marxuumku uu sooyaal qoto dheer ku lahaa Bulshada Jubbaland, isagoo Kamid ahaa aas-aasayaashii iyo dadkii wakhtiga dheer galiyay sidii loo yagleeli lahaa nidaam ay leeyahiin Bulshada Jubaland, waxaa kale oo uu door muuqda oo aan la iloobi karin ku lahaa xorrayntii inta badan deegaannada Jubaland, isagoo xiligaas ahaa wasiirka difaaca dalka.
‘‘Prof. Maxamed Cabdi Gaandi wuxuu ahaa shaqsi dadaal badan oo wakhtigiisa iyo naftiisaba u huray Ummada Soomaaliyeed, isagoo kasoo saaray marxalado adag Jubbaland hadan ka hadalana wuxuu ahaa dadkii ugu horreeyay ee u istaagay dhismaheeda iyo xorraynteeda” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Sidoo kale, Marxuumku wuxuu qeyb muhiim ah ka soo qaatay tacliinta dalka, isagoo ahaa shaqsi ku xeel dheer Tariikhda iyo sooyaalka Ummada Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa si gaar ah tacsi ugu diray qoyskii iyo qaraabadii uu marxuumku ka baxay, isagoo Alle uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com