Friday, June 19, 2026
25.9 C
Mogadishu

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo is-casilay +(SABAB)

Xildhibaan Shaacir Sheegow Maxamed

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Mid ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa iska casilay xubinnimadiisa baarlamaannka labaad ee Galmudug

Xildhibaan Shaacir Sheegow Maxamed ayaa warqadda istiqaalada u gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal.

Warqadda istiqaalada ayuu ku sheegay in sababaha uu isu casilay ay tahay daruufo u gaar ah, isla markaana aynaan jirin cid ku qasabtay inuu is casilo.

Xildhibaan Sheegow ayaa ka mid ahaa labaatankii xubnood ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe laga siiyay Baarlamaanka Labaad Galmudug.

Sidoo kale, xildhibaan Sheegow ayaa ka soo mid noqday Baarlamaankii 1aad Galmudug, ee sanadkii 2015 lagu dhisay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...