Thursday, April 30, 2026
30.9 C
Mogadishu

8 qof oo weerar lagu dilay gudaha dalka Jarmalka & ninkii geystay falkaasi oo meydkiisa la helay

Berlin (Halqaran.com) – Nin hubeysan oo la sheegay inuu ahaa cunsuri ayaa 9 ruux ku toogtay magaallo ku taalla galbeedka dalka Jarmalka, kaddib markii uu rasaas ku furay goob lagu cabo shiishadda.

Toogashadan ayaa dhacday abaaro 22:00 PM xilliga dalka Jarmalka, sida uu sheegay booliska Jarmalka. Waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay dhowr qof oo kale.

Qofka looga shakisanyahay in uu falkani geystay ayaa goor dambe meydkiisa laga helay isla gurigiisa oo uu wehliyo meydka qof labaad.

Wargeyska ka soo baxay dalka Jarmalka ee Bild ayaa qoray in la tuhunsanaha uu ahaa qof dhalashadiisu tahay Jarmal, islamarkaana watay hub sharciyeysan

Sidoo kale, wargeyska ayaa sheegay, in ninkaasi baaritaan kaddib gaarigiisa laga helay hub kale.

Waxaa sanadihii dambe dalka Jarmalka  ka dhacayay falal argagixiso ah balse waxaa jiray falal kale oo loo maleeyay argagixiso balse baaritaan kaddib waxaa la ogaaday in ay ahaayeen falal dambiyeedyo horey u qorsheysanaa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...