Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkmenistan oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga

Muqdisho (Halqaran.com) – Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed ayaa noqonaya Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkmenistan, kaasoo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo.

Haweeneyda lagu magacaabo Gulshat Mammedova Sahyyevna, oo ah Madaxweynaha Baarlamaanka Turkmenistan ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoontay Safiirka cusub ee Soomaaliya.

Gulshat Mammedova ayaa ugu hambalyeeysay Danjiraha magacaabistii loogu soo magacaabay inuu noqdo Danjiraha Soomaaliya ee Turkmenistan, waxaana ay u rajeysay guul iyo gobonnimo, mudada uu ka shaqayn doono cilaaqaadka iyo xiriirka kala faa’iideysiga ee labada dal.

Danjiraha Jaamac Cabdullaahi Maxamed oo ahaa Danjiraha Soomaaliya ee dalka Turkiga ayuu fadhigiisa noqon doonnaa Magaalada Ankara ee Xarunta Turkiga.

Danjiraha ayaa noqonaya Safiirkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed ee loo magacaabo inuu noqdo Danjiraha Soomaaliya ee Turkmenistan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com