Sunday, April 19, 2026
27.9 C
Mogadishu

Xasan Sheekh: ”Doorashada Qaranka ma noqon doonto tii ka dhacday Baydhabo oo kale”!

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud /Sawir hore/ Keydka Halqaran.com

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Kismaayo ka sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya aan loogu dulqaadan doonin in doorashada Qaranka ay ka dhigto doorashadii Baydhabo oo kale.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in doorashada Qaranka ay ku dhici doonto sidii looga bartay, islamarkaana haddii dowladda dhexe ay isku daydo in ay isku koobto dhibaato badan ay ka dhalan doonto.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa xusay, in dowladda aan laga aqbali doonin in doorashadda Qaranka lagu dhibaateeyo Shacabka sida dhacday doorashada Magaalada Baydhabo.

Si kastaba, siyaasiyiintii Sabtidii maanta ka qeyb galay Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa intooda badan eedeyn kulul u jeediyay dowladda iminka jirta ee uu madaxweyne ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...