Saturday, May 9, 2026
27.8 C
Mogadishu

UPDATE: Senetor Faroole oo hadal kulul ku weeraray Farmaajo, ‘Ficilka maanta socda waa burburin’!

Senetor Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole /Sawir hore /Keydka

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Puntland, Senetor Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo khudbad ka jeedinaayay Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay horumarinta dalka.

Senetor Faroole ayaa sheegay in ficilada maanta ay waddo dowladda Soomaaliya ay yihiin burburin iyo kala qeybin.

Madaxweynihii hore ee Puntland, ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay kasoo horjeedo Nidadaamka Federaalka, islamarkaana aan la hor istaagi karin heshiiska ay gaareen bulshada Soomaaliyeed.

“Ficilka maanta socda waa burburin marka waxaana ugu baaqaynaa Madaxweyne Farmaajo dib u heshisiiniin” ayuu yiri Senetor Faroole.

Ugu dambeyn, dhammaan Xaaladdaha Jahwareerka ah ee dalka ka jira ayuu sheegay in uu sabab u yahay Madaxweynaha Soomaaliya oo aan diyaar u aheyn.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...