Tuesday, February 10, 2026
25.3 C
Mogadishu

Xasan Cali Kheyre oo raali-geliyay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir CCWarsame +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa raali-galin buuxda ka bixiyay weerarkii xilligii uu ra’iisul wasaaraha ahaa lagu qaaday guriga hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Musharrax madaxweynaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay ku booqday hoggaamiyaha guriga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho.

“Waxaan caawa hoygiisa ku soo booqday hoggaamiyaha xisbiga wadajir, ahna musharrax madaxwayne ee jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxman cabdishakuur Warsame, halkaas oo aan si walaaltinnimo ku dheehantahay isugu soo qalbi xaarannay, waxaanan ka raalli galiyay dhibkii 17kii December 2017 isaga iyo ilaaladiisa kasoo gaaray dhacdadii ka dhacday hoygiisa”, sidaas waxaa Facebogiisa ku daabacay ra’iisul wasaarihii hore, Xassan Cali Kheyre oo haatan sheegay in uu doonayo in uu u tartamo xilka madaxweynenimo. 

Cabdiraxmaan Cabdshakuur ayaa ciidamada dowladda ku eedeeyay inay halkaas ka geysteen dil, dhac iyo boob, waxaase xalay markii ay kulmeen ay qeyb ka ahayd wixii laga wada hadlay, maadaama Xassan Cali Kheyre uu xilligaas ahaa mas’uul katirsan dowladda hadda jirta.

Sidoo kale, hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna musahrrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhankiisa xaqiijiyay warka kasoo baxay Kheyre, wuxuuna sheegay inay is-qalbi xaareen.

“Waxaa caawa xarunta Xisbiga Wadajir nagu soo booqday Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharrax madaxweyne Md Xasan Cali Kheyre. Kheyre wuxuu cudurdaar iyo raalli gelin ka bixiyey weerarkii 17-kii Dec 2017”, sidaas waxaa Facebogiisa ku daabacay hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, CCWarsame.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...