Thursday, April 30, 2026
28.4 C
Mogadishu

Qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Ciidamo ka tirsan dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu soo warramayaa in caawa qarax lagula eegtay bartamaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya, in qaraxan uu ahaa miino kuwa gacanta ah oo lagu tuuray ciidamo howlagal waday, kaasi oo ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhintay qof rayid ah, sidoo kalana ay ku dhaawacmeen labo askari oo ka tirsanaa ciidamada qaraxa lala eegtay.

Ma jirto faah-faahin rasmi ah oo ka soo baxaya qaraxaasi oo ku aadan, in ciidamada bamka lagu tuurey uu khasaare soo gaarey iyo in kale.

Balse wararka ayaa sheegaya, in ciidamada Puntland ay rasaas ku fureen ruuxii soo tuuray bam gacmeedka.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Halqaran.com

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...