Saturday, January 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

XASAASI + DHAGEYSO: Sheekh Shaakir ‘‘Dadkii xorreeyay Galmudug uma baahna in laga xorreeyo‘‘!

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ka hadlay xaaladihii u dambeeyey ee Galmudug iyo mad madowga soo kala dhex-galay Dowladda iyo Ahlu sunna.

Wareysi uu siiyey laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayuu ku beeniyey in Ciidamada Dowladda ay Ahlu sunna kala wareegeen degmooyinka Matabaan, Guriceel iyo inta badan degmada Dhuusamareeb, hayeeshee uu sheegay in Ciidamada Shaqeynaya inay yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlu sunna oo la isku daray.

Waxaa uu soo hadal qaaday Arrinta la xiriira 35 Xildhibana oo ay dowladda u balan qaaday,waxaana uu sheegay inay rajo ka qabaan in la siiyo,isla markaana sida lagu sheegaayo aysan aheyn xaalada Galmudug.

Sheekh Shaakir Cali Xasan ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay guddiga doorashada ay Magacawday dowladda iyo kan isaga uu soo Magacaabey,waxaana uu sheegay in xalinta arrintaasi lagu guda jiro,isla markaana aysan macquul aheyn in Dadkii shalay xoreeyay Galmudug in laga xoreeyo.

Halka hoose ka dhageyso Codka Sheekh Shaakir:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...