Saturday, January 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

XOG CUSUB: DF Soomaaliya oo jawaab kulul ka bixisay hadalkii ka soo yeeray Kenya, ‘Hadalka Kenya waxba kama jira’

Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye

Muqdisho (Halqaran.com) – Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), wasiirka warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya oo BBC-da la hadlay ayaa beeniyay in Dowlada Soomaaliya ay ogeyd in wafdigii Kenya ee ka qeyb-galay caleemo saarkii Axmed Madoobe ee Kismaayo.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya oo la hadlay BBC Somali ayaa sheegay in wafdigii tagay Kismaayo ay halkaas ku tageen “ogolaanshaha dowladda Soomaaliya.

Balse wasiir Maareeye ayaa yiri: “Warka uu sheegay agaasimaha guud meelo badan ayuu taabanayaa, laakiin qodobka ah diyaarad iyo madaxda Kenya ka tirsan kuma xadgudbin Soomaaliya waa war aan waxba ka jirin”.

“Waa la ogyahay in dowladda Soomaaliya ay warqad soo saartay oo ay tiri diyaarad kasta oo Kenya ka imaaneysa ciddii doonta ha saarnaatee, waa in ay soo martaa Muqdisho, taas ayay wafdiga iyo diyaaradda tagtay Kismaayo ay jebiyeen,” ayuu yiri wasiirka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...