XOG XASAASI + DHAGEYSO: Puntland oo u hanjabtay Universal TV, ‘‘Kicin dadweyne ayuu sameeyay‘‘!

Wasiirka Warfaafinta dowladda Puntland, Cali Xassan Axmed Sabareey/Sawir hore/Keydka

Garoowe (Halqaran.com) – Wasiirka Warfaafinta dowladda Puntland, Cali Xassan Axmed Sabareey oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, ayaa jawaab ka bixiyay barnaamij xalay ka baxay telefishinka Universal oo lagu dhaliilay xukuumadda Puntland.

“Universal TV xaruntiisa London, Program-ka ay xalay sii daysay oo la yiraado ra’yiga Todobaadka, waannu dhegaysanay, waxaanuna ku aragnay in aanu ku saxnayn TV-gaasi arrimaha uu sheegay” ayuu yiri wasiir Sabareey.

Wasiirka ayaa sheegay in ay xiriir la samayn doonaan maamulka sare ee telefishinka Universal, si ay wax uga weydiiyaan dhaliilaha ku xusan barnaamijka xalay ka baxay telefishinkaasi “ TV-ga dad baa iska leh, agaasimayaal buu leeyahay iyagana waanu la xiriiri doona insha Allaah” ayuu sii raaciyay wasiirka.

Mudane Sabareey, waxaa uu Universal TV ku eedeeyay in uu kicin dadweyne sameeyay, balse aysan waxba ka jirin arrimaha uu ka hadlay, isagoo ku hanjabay in dowladda Puntland ay tallaabo ka qaadi doonto haddii loo baahdo.

Halka hoose ka dhageyso codka Wasiir Sabareey:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com