Garoowe (Halqaran.com) – Culimada Puntland ayaa khudbaddii Jimcaha maanta uga hadlay dhacdadii ka dhacday Baarlamaanka Puntland, taasi oo sababtay Dhimasho iyo Dhaawac.
“Riditaankii guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Dhoobo-Daareed deg-deg baa kujirey, dhaawacii oo yaal dhimashadii oo taal baa la ridey horta inaan maydka aasno sow ma suubanayn.” Ayuu yiri Sheekh Daahir Aw-Cabdi
Sheekhu wuxuu kaloo sheegay, inaanu Madaxweyne Siciid DENI Joogin doonin Xilka, Wuxuuna ku booriyey Bulshada inay la shaqeeyaan.
Sidoo kale Sheekh Daahir Aw-Cabdi ayaa yiri, “Reer Puntland waxaan leeyahay Madaxweyne Siciid idinkoo indhaha kala haya baad duhur cad doorateen 4 sano baa u dhiman boqor maaha isagaa madaxweyne ka ah wadanka inta uu joogo, waxyaabaha la sheeg sheegayo raali kama nihin, dhacdadii baarlamaanka waxaa kujirey degdeg xabadu xal maaha.”.
Dhinaca kale Wuxuu khudbadiisa uga hadlay Arimo kala duwan oo la Xiriirta Xaalada Soomaaliya, Wuxuuna Fariin muhiim ah u diray Maamullada iyo DF Soomaaliya ee uu madaxweyne ka yahay Farmaajo.
Sheekh Daahir Aw-Cabdi ayaa xusay in Soomaaliya ay hadda heshay Dawlad Fiican, oo Dalka dibadiisa si wacan uga dhaqan gashay, Balse gudaha ay dagaal kula jiraan Siyaasiyiinta iyo dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ku baaqay in la garab galo Dawladda.
Halka hoose ka daawo Muuqaalka Sheekh Daahir Aw-Cabdi:
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
DHAGEYSO WARBIXIN XIISO LEH: Guulaha Siyaasadeed ee Haweenka Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka
DAAWO SAWIRRO: Sidee ugu suurta-gashay ITOOBIYA inay hesho xilka Xoghayaha fulinta ee IGAD?
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com