Wednesday, June 24, 2026
25.4 C
Mogadishu

DAAWO VIDEO: Dr. Gaboose oo waxba u reeban Muuse Biixi, ‘isbaheysiga waa Shaar ay kaligood ku macaashaan‘!

Hargeysa (Halqaran.com) – Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo muddo dheer kadib Warbaahinta Talaadadii maanta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa eedaymihii ugu cuslaa u Jeediyey Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi, isagoona carab-dhabay arimo kala duwan oo Xasasi ah.

“Nasiib-darro, in muddo ahba waxa ka hana-qaaday geyigeenna siyaasad kooxaysan oo ku qotonta kala qaybinta iyo kala irdhaynta umaddan walaalaha ah. Kooxdani waa ku adeeganaya isbaahaysiga siyaasadeed ee Jeegaamaysan oo ah shaar ay keligood ku macaashaan. Waxaan ku nuux nuuxsanayaa inaan marnaba beelaha ay kasoo jeedan loo aanayn karin ereygaas iyo siyaasadda guracan ee ay hal-abuurkeeda leeyihiin.

Badanaa inta haldoor, milgo iyo maamuus leh oo ka soo jeeda beelahaas oo karaamo iyo waxqabad ummada u soo kordhin lahaa, xayndaanba siyaasadda looga tuuray maadaama aanay la aragti ahayn..” Ayuu yiri Dr. Gaboose.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay Xaalada Somaliland, isagoo sheegay inaysan Danteedu ku Jirin Naxli dadka Soomaaliyeed la kala dhex dhigo.

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa wuxuu tallooyin dhaxal gal ah u Jeediyey  Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Halka hoose ka Daawo Muuqaalka Dr. Gaboose iyo Arrimo Xasaasi ah:

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:

DAAWO SAWIRRO: Ururka Al-Shabaab oo soo bandhigay raggii weeraray xerada Balli-Doogle (Maxa cusub?)

DF Somaliya oo xirtay Askar jir-dil u geystay Wariyeyaal, ‘Si aan sharciga waafaqsanayn ayay ula dhaqmeen..’

DAAWO SAWIRRO: Wasiirro lagu dhaariyay Madaxtooyada Garoowe +(Akhri magacyadooda)

XOG XASAASI + DHAGEYSO: Puntland oo u hanjabtay Universal TV, ‘‘Kicin dadweyne ayuu sameeyay‘‘!

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...