Muqdisho (Halqaran.com) – Warar goor-dhow soo gaaray xafiiska warqabadka Halqaran.com, ayaa sheegaya, in ciidamada booliska dowladda Federalka Soomaaliya ay xabsiga dhigeen laba Askari oo dhibaato u gaysatay Wariyeyaal  ka hawlgala Magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya Cabdi Nuur ayaa bartiisa xiriirka Bulshada ee Facebook qoraal uu soo dhigay wuxuu ku xaqiijiyay xarigga labadaasi Askari loo gaystay.

“Waxaa goor dhaw xabsiga la dhigay labo askari oo ka tirsan Ciidamada Booliiska kuwaas oo si aan sharci waafaqsanayn ula dhaqmay suxufiyiin ku guda jiray hawl maalmeedkooda, waxaana Talisku Boolisku ballan qaaday in ay sharciga lala tiigsanayo askarta xiran.”Ayuu yiri Agaasime Cabdi Nuur

Sidoo kale, agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sheegay inuu jiro fal tacadi ah oo 27 Bishii hore loo gaystay Suxufiyiin.

“Waxaa jiray fal noocan oo kale ah oo wariyeyaal lagula kacay 27kii bishii hore keddib markii xarig iyo handadaad la isugu daray.”

“Ciidamada Qalabka sida waxay mudanyihiin in lagu bogaadiyo, laguna garab istaago hawlaha sugidda amniga, balse waxaa loo baahanyahay in ay ka fogaadaan falalka lidka ku ah dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla. “

Wuxuu kaloo tilmaamay agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya in loo baahan yahay sifo sharciga waafaqsan in loo maro xarigga loo gaysto Suxufiyiinta xadgudubka sameeya.

“Wariyuhu waa muwaadin la xuquuq ah shacabka kale. Waa la dacweyn karaa, isaguna waa dacwoon karaa, balse waan in xarig kasta loo maraa sifo sharci ah, Booliiskuna waa inuu haystaa warqad ogolaansho.”

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here