Tuesday, February 10, 2026
25.3 C
Mogadishu

Xafiiska QM ee Somaliya oo xaqiijiyay in ruux la shaqeeya laga helay Cudurka Corona (COVID-19)

Muqdisho (Halqaran.com) – Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay Sabtidii maanta in shaqaale caalami ah oo ka shaqeeya shirkad gaar loo leeyahay oo qandaraas ku leh Qaramada Midoobay laga helay Fayraska Corona (COVID-19).

Qofka laga helay Cudurkaasi ayaa ka howlgalayay Shirkad gaar ah loo leeyahay oo Qandaas kula jirta Qaramada Midoobey, islamarkaana ka howlgasha Garoonka Aadan Cadde.

Qaramada Midoobey waxa ay sheegtay in ay ku wargalisay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya xilli hore oo subixii Sabtida maanta.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa Jimcihii shalay sheegtay inay soo kordheen laba kiis oo COVID-19 ah, midi waa muwaadin Soomaali ah, midna waa Ajnabi.

Tirada guud ee dadka qaba Cudurka Coronavirus ee Soomaaliya waa 7 ruux, tirada bogsatay waa hal ruux kaliya, majirto dhimasho illaa hadda la diiwaangeliyay oo Fayraska Covid-19 gudaha Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...