Tuesday, May 26, 2026
28.1 C
Mogadishu

Wasaaradda Waxbarashada ee Somaliya oo shaacisay in dib u dhac ku yimid imtixaankii dugsiyada Sare & Dhexe ee..

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Goodax Barre/Sawir hore/Keydka HQ

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Waxbarashada ee XF Soomaaliya ayaa Sabtidii maanta sheegtay imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalka 12-aad iyo 8-aad in uusan ku qabsoomi karin xilligii loogu talagalay taxadarka Coronavirus awgii, waqtiga rasmiga ah ee uu dhacayana dib laga soo sheegi doona.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in ay ku howlan tahay sidii ardayda Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen qorshe ay kusii wadan karaan waxbarashadooda.

“Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XF Somaliya oo tixgalineysa talooyinka caafimaad ee la xiriira ka hortagga iyo xakameynta cudurka dilaaga ah ee COVID-19, ayaa waxa ay ku wargalineysa ardayda Soomaaliyeed ee ku guda jira diyaargarowga imtixaanka fasalka 12aad & 8aad in uusan ku qabsoomi karin xilligii loogu talagalay. Waqtiga rasmiga ah ee uu dhacayo imtixaanka dib ayaa laga soo sheegi doona. Mahadsanidiin.‘‘ ayaa lagu yiri War kasoo baxay Wasaarada.

DF Soomaaliya ayaa horay u fasaxday dhammaan iskuullada iyo Jaamacaddaha ku yaalla dalka si looga hortago faafitaanka Fayraska Corona (COVID-19).

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...