Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Waxbarashada ee XF Soomaaliya ayaa Sabtidii maanta sheegtay imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalka 12-aad iyo 8-aad in uusan ku qabsoomi karin xilligii loogu talagalay taxadarka Coronavirus awgii, waqtiga rasmiga ah ee uu dhacayana dib laga soo sheegi doona.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in ay ku howlan tahay sidii ardayda Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen qorshe ay kusii wadan karaan waxbarashadooda.
“Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XF Somaliya oo tixgalineysa talooyinka caafimaad ee la xiriira ka hortagga iyo xakameynta cudurka dilaaga ah ee COVID-19, ayaa waxa ay ku wargalineysa ardayda Soomaaliyeed ee ku guda jira diyaargarowga imtixaanka fasalka 12aad & 8aad in uusan ku qabsoomi karin xilligii loogu talagalay. Waqtiga rasmiga ah ee uu dhacayo imtixaanka dib ayaa laga soo sheegi doona. Mahadsanidiin.‘‘ ayaa lagu yiri War kasoo baxay Wasaarada.
DF Soomaaliya ayaa horay u fasaxday dhammaan iskuullada iyo Jaamacaddaha ku yaalla dalka si looga hortago faafitaanka Fayraska Corona (COVID-19).
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com